Qur’aanka Kariimka oo lagu turjumay luuqad looga hadlo Nigeria

0
154

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Waxaa markii ugu horreysay Qur’aanka Kariimka lagu turjumay luqadda Igbo ee sida weyn looga hadlo dalka Nigeria.

Munaasabad ka dhacday masaajidka Ansaaru Diin ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Nigeria ayaa lagu soo bandhigay kitaabka Qur’aanka Kariimka ee lagu turjumay luqadda Igbo.

Maxamed Murtala ayaa sheegay in shan sano ay ku qaadatay in luqadda Igbo uu uu ku turjmo Qur’aanka.

Luqadda Igbo ayaa si weyn looga hadlaa koonfur bari Nigeria halkaas oo dad badan oo Kiriistaan ah ay ku nool yihiin.

Nigeria waa dalka ugu dadka badan Afrika, Muslimiinta dalkaas waxay ku nool yihiin waqooyiga halka bulshada Kiristaanka ay u badan yihiin dhinaca Koonfurta.

Maxamed Murtala  oo ah ninka Qur’aanka u turjumay luqadda Igbo ayaa wuxuu diinta Islaamka soo galay sanadkii 1989, markii dambena wuxuu noqday sheekh caan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here