Mohamed Salah Oo Fariin U Diray Sadio Mane

0
191

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Mohamed Salah ayaa u sheegay Sadio Mane in looga xiisi doono Liverpool kadib markii uu ku biiray Bayern Munich.

Xiddiga reer Senegal ayaa ku biiray Bayern Munich isaga oo soo afjaray 6 sano oo uu joogay kooxda Anfield.

Wakhtigii Liverpool, Mane aaa ku guulaystay 6 koob uu ay ku jiraan premier League iyo champions League.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican taariikha Liverpool isaga oo dhaliyay 195 gool waxana uu ka mid noqday Halyeeyada Liverpool.

Salah ayaa Instagram ku qoray”Waxa ay ahayd wakhti fiican”.

“Waad ku mahadsantahay wakhtiga fiican, waxa aan kuu rajaynayaa nasiib wacan tartankaaga cusub ee aad aaday, Liverpool waa lagaaga xiisi doonaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here