Lionel Messi Oo Rikoodh Taariikhi Ah Sameeyay

0
188

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Lionel Messi ayaa sameeyay rikoodh cajiib ah kadib markii uu dhaliyay 5 gool kulankii uu xulka Argentina 5/0 uga badiyay xulka Esonia Axadii.

Kadib markii uu sidaas sameeyay Lionel Messi ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee ku lug lahaa 1100 gool kubada cagta adduunka xirfadiisa ciyaareed.

Messi ayaa dhaliyay 769 gool waxana uu caawiye ka noqday 331 gool kulamada kooxaha iyo waliba kulamada xulka qarankiisa Argentina.

Arintaas ayaa cel-celis ahaan noqonaysa in uu ku lug lahaa 61 gool sanad kasta tan ilaa markii uu blaabay xirfadiisa ciyaareed sanadkii 2004.

Messi ayaa isha ku haya in uu xulka qarankiisa kala qayb galo koobka adduunka Qatar 2022 halkaas oo uu isha ku hayo ku guulaysiga koobka markii ugu horaysay.

Lionel Messi ayaa u muuqda mid ay u furmeen koobabka xulkiisa kadib markii uu sanad gudihiis kula guulaystay xulka Argentina laba koob.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here