Sicir-bararka Turkiga oo gaaray meeshii ugu sarreysay muddo 24 sano ah

0
183

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Sicir-bararka dalka Turkiga, ayaa bishii May gaaray 73.5% oo ah heerkii ugu sarreeyay muddo 24-sano ah, kaas oo ay sabab u tahay dagaalka ka socda Ukraine oo kor u qaaday qiimaha tamarta iyo hoos u dhac ku yimid lacagta Liraha.

Sicir-bararka ayaa kor u kacay tan iyo dayrtii hore, markaas oo lacagta Liraha ay hoos u dhacday kadib markii bangiga dhexe uu bilaabay isbedel lagu fududeynayo heerka dulsaarka oo gaarayay 500 oo uu codsaday Madaxweyne Tayyip Erdogan.

Tirada ugu dambeysay ayaa kor u dhaaftay 73.2%, waana kii ugu sarreeyay tan iyo bishii Oktoobar 1998-kii, markaas oo sicir-bararka sannadlaha ahi ahaa 76.6%, waxaana Turkigu la halgamayay sidii loo soo afjari lahaa toban sano oo sicir-barar ah.

Qiimaha raashinka iyo gaadiidka ayaa kor u kacay 92% sannadkii la soo dhaafay, taas oo muujinaysa dhibaatada dhaqaale ee sii xumaanaysa ee dadka Turkiga ah ee la halgamaya inay soo iibsadaan waxyaabaha aas-aasiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here