Shirkadda Apple oo xayiraad ku soo rogtay warbaahinta Ruushka

0
267

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Shirkadda Apple ayaa joojisay wax soo saarka Ruushka iyada oo xaddidaysa Apple Pay iyo adeegyada kale ee ay bixiso.

Bayaan ka soo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in warbaahinta dawladda Ruushku maamusho kuwas oo ay ka mid yihiin RT News iyo Sputnik News in laga joojiyay in lagala soo dego App Store-ka shirkadda.

Shirkada Apple ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday inay taageerayso dadaallada bini’aadantinimo iyadoo bixinaysa gargaar lagula tacaalayo dhibaatooyinka haysta qaxoontiga Ukraine.

Shirkado badan oo kuwa baraha bulshada sida YouTube ayaa xayirad ku soo rogay warbaahinta ay maamusho dowladda Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here