Barcelona Oo Garaacday Athletic Bilbao

0
545

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Barcelona ayaa garaacday kooxda Athletic Bilbao kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga iyaga oo sii wada guulaha xidhiidhka ah ee horyaalka La Liga.

Kulanka ayaa ahaa mid si adag ku bilowday iyada oo ay labada kooxoodba weeraro isku qaadayaan mid walba dhinaceed goolal u raadinayso.

Barcelona ayaa ku fiicnayd dhinaca kubad haysashada xilli ay Athletic Bilbao Qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay doonaysay in ay goolal ku dhaliso.

Daqiiqadii 37-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Pierre-Emirick Aubameyang kaas oo sii wada wacadarihii uu dhigayay waliba saaxiib la noqday shabqada kooxaha ka soo hor jeeda.

Waxa sidaas ku dhamaaday qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ahayd kooxda fiican waliba natiijo ahaan hogaaminayso kulanka kadib markii ay gool dhaliyeen.

Qaybtii dambe ayay Barcelona ayay sii waday raadinta goolal ay ciyaarta ku dilaan xilli ay Athletic Bilbao heshay fursado ay ugu soo laaban karto ciyaarta.

Daqiiqadii 73-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ousmane Dembele kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 2/0.

Wixii intaas ka dambeeyay Barcelona ayaa wax walba ka samaynysay ciyaarta xilli ay Athletic Bilbao ka niyad jabtay kulanka waliba qirteen in ayna jirin soo laabasho.

Daqiiqadii 90-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Luuk de Jong kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Barcelona ku hogaaminayso.

Xiddiga Memphis Depay ayaa daqiiqadii 90+3-aad dhaliyay goolka 4-aad ee Barcelona isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay Barcelona ciyaarta ugu awood sheegatay kooxda Athletic Bilbao.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here