Barcelona Ma U Dhaqaaqi Doontaa Saxiixa Erling Haaland

0
1038

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa ka hadlay qorshaha Kooxdiis ee suuqa xagaaga iyo in ay u dhaqaaqi doonaan saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Barcelona ayaa la rumaysanyahay in ay ka mid tahay 5 kooxood oo waaweyn kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga Haaland marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

“Haaland? waxa aan samaynay shaqo fiican suuqii January, fikirka ayaa ah in aan xitaa kooxda sii xoojino xagaaga”ayuu Joan Laporta ku jawaabay markii wax laga waydiiyay in ay Barcelona u dhaqaaqi karto saxiixa Haaland.

Saxiixa Haaland ayaa lagu heli karaa lacag dhan 68 milyan oo euro marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo la filayo in uu isaga tao kooxda Borussia Dortmund.

Haaland ayaa dhaliyay 23 gool 6 kalena caawiye 20 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here