Dowladda Switzerland oo mamnuucdey xayeeysiinta Sigaarka

0
289

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Codbixiyeyaasha dalka Switzerland, ayaa taageerey mamnuucista xayeeysiinta Tubaakada,
Dhaqan ahaan, codka Haa ee aftida dalka oo dhan, waxey horseedi doontaa mamnuucis buuxda.

Tallaabadan ayaa Switzerland ka dhigi doonta mid la jaan qaadi karta dalalka dariska la ah ee Yurub, kuwaasoo intooda badan qaatey sharciyo adag oo ku saabsan xayeeysiinta tubaakada sanado kahor.

Inkastoo uu dalkani leeyahay jawi caafimaad qaba oo dhanka deegaanka ah, dadkana soo dhoweeya, ayaa haddana Switzerland waxey leedahay sharciyada ugu dabacsan marka ay timaado xakameynta Tubaakada ee qaaradda Yurub.

Muddo dheer kadib, sigaar ku cabista baararka iyo makhaayadaha, ayaa laga mamnuucey dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka, halka Switzerland ay usii seeta dheereeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here