Hordhac: Arsenal Vs Man City

0
486

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Man City kulan ka trsan todobaadkii 21-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Emirates.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay sii wadaan guulaha premier League xilli ciyaareedkan siina wadaan wacdaraha ay dhigayaan horyaalka.

Dhanka kale Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo kalsooni buuxa qaba waliba doonaya in ay joojiyaan tareenka kooxda Man City ee horyaalka premier League.

Kulanka: Arsenal Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 03:30

Garoonka: Emirates Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Emile Smith Rowe ayaa shabaqa soo taabtay mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, waxaana gool uu kulankaan ka dhigi doonaa ciyaaryahankii seddexaad ee ugu da’da yaraa (21 iyo 157d) ee 5 kulan oo xiriir ah gool ka dhaliya tartanka premier League kadib Nicolas Anelka oo sidaas sameeyay 1998 (19 sano, 239 maalin) iyo Jose Antonio Reyes 2004 (21 sano iyo 10 maalin).

Arsenal ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonkeeda horyaalka premier League iyada oo shabaqeeda ilaashatay afartii kulan ee ugu dambeeyay, markii ugu dambaysay ee ay badiyeen 5 kulan oo xidhiidh ah oo garoonkeeda iyaga oo aan wax gool ah laga dhalin waxa ay ahayd intii u dhexaysay January-Abriil 1999kii.

Weeraryahanka Manchester City Raheem Sterling ayaa dhaliyay gool mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee uu ka hor tagay Arsenal, xiddiga kaliya ee Arsenal gool ka dhaliya isaga oo marti ah premier League waxa uu ahaa Nicolas Anelka, kaasoo shabaqa soo taabtay intii u dhaxeysay 2002 ilaa 2009.

Man City ayaa goolasha daah furtay 15-kii daqiiqo ee ugu horeeyay dhamaan shantii kulan ee ay martida u ahaayeen Arsenal, intii uu Pep Guardiola hogaaminayay iyagoo shabaqa soo taabtay labadii daqiiqo ee ugu horeysay labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here