Chelsea Oo Xidhiidh La Samaysay Xiddig Ay U Aragto Badalka Ben Chilwell.

0
282

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay la xidhiidhay wakiilada xiddiga kooxda Everton ee Lucas Digne si ay ugala hadlaan suurtagalnimada ay ku heli karaan xiddiga suuqa January.

Blues ayaa la filayaa inay la soo saxiixato daafac bidix oo cusub bilowga sanadka 2022 kadib markii ay ogaadeen in ay dhaawac ku waayeen xiddiga Ben Chilwell inta ka dhiman xilli ciyaareedka kadib dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay.

Sida laga soo xigtay saxafiga reer talyaani ee Fabrizio Romano, kooxda Thomas Tuchel ayaa haatanba qaaday talaabadii ugu horaysay ee ay ku doonayso xiddiga reer France kaas oo diyaar u ah in uu isaga tago Everton.

Digne ayaa fure u ahaa Toffees tan iyo markii uu kaga soo biiray Barcelona bishii August 2018 isaga oo u saftay 127 kulan tartamada oo dhan, isagoo ku lug lahaa 6 gool iyo 20 caawin.

28 jirkaan ayaa sidoo kale 15 kulan u saftay kooxdiisa Merseyside xilli ciyaareedkan laakiin ma uusan ciyaarin tan iyo bilowgii bishii December sabab la xidhiidha dhaawacyo soo gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here