Koox Premier League Ah Oo Si Dhab Ah U Doonaysa Saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang

0
329

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u noqday kooxda Newcastle United suuqa January.

Kadib markii laga qaaday masuuliyada kabtanimo ee kooxda, Aubameyang ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tago kooxda Arsenal marka uu furmo suuqa January.

Kooxaha Juventus iyo Juventus ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiga 32 jirka ah kaas oo ay 18 bilood uga hadhsantahay heshiiskiisa kooxda Arsenal.

Sida laga soo xigtay Sport, Newcastle United ayaa ku biirtay saxiixa xiddiga Aubameyang iyaga oo doonaya in ay xiddiga ku sii hayaan horyaalka premier League.

Newcastle United ayaa xiddiga Aubameyang u aragta mid ka caawin kara in ay sii joogaan premier League waxana ay diyaar ula yihiin in miiska u saaraan mushahar aad u sareeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here