Arsenal & Barcelona Oo Is Dhaafsan Kara Laba Xiddig & Xiddigaha Oo La Ogaaday.

0
253

Kooxaha Barcelona iyo Arsenal ayaa wadahadalo Rasmi ah ku jira iyaga oo doonaya in ay is dhaafsadaan xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang iyo Philippe Coutinho marka uu furmo suuqa kala iibsiga January.

Shabakada El Chiringuito ayaa sheegaya in ay labada kooxood ku jiraan wadahadalo ay ku doonayaan in ay isku dhaafsadaan labada xiddig marka la gaadho suuqa January ee bisha soo socota.

Arsenal ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kadib markii uu mar kale sameeyay khalad ay kooxdu ku ciqaabtay ugana qaaday masuuliyada kabtanimo ee kooxda.

Dhanka kale Barcelona ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Philippe Coutinho si ay u dhimaan mushaharkiisa aadka u sareeya iyada oo lala xidhiidhinayo ku soo laabashada premier League.

Labada kooxood ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo ku jiraan si ay qaab toos ah isku dhaafsan doonaan labada xiddig marka uu furmo suuqa kala iibsiga January

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here