QM oo Dalbatay Hal Bilyan iyo Bar Dollar si Wax Looga Qabto Abaaraha Soomaaliya

0
271

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed wadajir ah oo kasoo baxay Qaramada Midoobay iyo saaxibada samafalka Soomaaliya ayaa soo saaray Qorshaha ka-jawaabista xaaladda Bani’aadamnimo ee Soomaaliya ee 2022 kaas oo baadi goob ugu jira 1.5 bilyan oo dollar, si loo caawiyo 5.5 milyan oo Soomaali ah oo ay ku jiraan 3.9 milyan oo aan aheyn barakacayaal iyo 1.6 milyan kale oo ay ku jiraan dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo ku nool 74 degmo.

“Nolosha dadka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa halis, mana haysanno waqti aan lumino,” ayuu yiri madaxa bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths oo intaas raaciyay “Si loo badbaadiyo nolosha Soomaaliya, loogana hortago masiibo bini’aadantinimo oo kale, waa inaan hadda fasaxnaa gargaarka, si dadku ay uga badbaadaan gaajo iyo faqri hor leh. Waxaan maanta ka soo saarayaa $17 milyan Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah”

Martin Griffiths ayaa ugu baaqay deeq-bixiyeyaasha kale inay si ‘deeqsinimo’ leh u taageeraan Sanduuqa Bini’aadaimno ee Soomaaliya.

Waxay sheegeen in qorshaha HRP uu mudnaan siin doontaa 5 milyan oo ka mid ah dadka aadka u nugul, oo ay ku jiraan 1 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan jir.

Baaqa codsiga gargaar ee Qarmada Midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in “colaadaha iyo nabad-gelyo-xumada sannadkan ay ku khasbeen 777,000 oo qof inay ka barakacaan guryahooda. Guud ahaan, in ka badan 2.9 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya – mid ka mid ah tirooyinka ugu sarreeya adduunka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here