Carlo Ancelotti Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Athletic Bilbao & 11 Xiddig Oo Ka Maqan Real madrid

0
268

Kulanka ugu dambeeya ee Real Madrid ee sanadka 2021 ayaa noqon doona mid adag kadib markii la xaqiijiyay in ay ka maqnaan doonaan kulanka Athletic Bilbao 11 xiddig oo kooxda 1-aad ah.

Xiddigaha ayaa Los Blancos uga maqan sabab la xidhiidha xanuunka Korona iyo waliba dhaawacyo kala duwan iyada oo xiddiga David Alaba noqday xiddigii ugu dambeeyay ee laga helay xanuunka Korona.

Xiddigaha Luka Modric, Gareth Bale, Isco, Marcelo, Rodrygo Goes & Andriy Lunin ayaa Real Madrid kaga xanuunka Korona halka xiddiga xiddiga Dani Carvajal uu dhaawac ku maqan yahay.

Dhanka kale xiddiga Casemiro ayaa kulanka ku seegi doono ganaax kadib markii uu qaatay kaadhadh badan oo digniin ah xilli ciyaareedkan.

Goolhayayaasha: Thibaut Courtois, Toni Fuidias, Diego Pineiro.

Daafacyada: Nacho Fernandez, Eder Militao, Jesus Vallejo, Lucas Vazquez, Ferland Mendy, Rafa Marin, Miguel Gutierrez.

Khadka dhexe: Toni Kroos, Eduardo Camavinga, Fede Valverde, Antonio Blanco, Sergio Arribas.

Weerarka: Karim Benzema, Vinicius Junior, Eden Hazard, Luka Jovic, Mariano Diaz, Peter Gonzalez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here