Liverpool Oo Barcelona Miiska U Saaraysa Dalab Aad U Sareeya, Ayay Kaga Doonaysaaa

0
319

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay Barcelona bixiso 45 milyan oo ay ku doonayso daafaca kooxda Barcelona ee Ronald Araujo xagaaga soo aadan.

Heshiiska Ronald Araujo ee Barcelona ayaa dhici doona xagaaga 2023 xiddiga 22 jirka ah ayaanan wali heshiis cusub u saxiixin kooxda Barcelona.

Koxaha chelsea, Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga laakiin El Nacional ayaa sheegaysa in ay kooxda Liverpool diyaar u tahay in ay bixiso lacag dhan 45 milyan si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool aamisantahay in qiimahaas yahay mid fiican oo ayna Barcelona diidi karin si ay u iibiso xiddiga reer Uruguay.

Klopp ayaa xiddiga Araujo u arag badalka Joe Gomez iyo Nat Phillips oo laga yaabo in ay isaga tagaan kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here