Thomas Tuchel Oo Chelsea U Sheegay Xiddiga Uu U Doonayo Saxiixiisa Ugu Horeeya Ee Suuqa January.

0
293

Tababaraha kooxda Chelsea Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameedka sare ee suuqa January u calaamadsaday xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Wolverhampton Wanderers ee Ruben Neves.

Blues ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay xoojiso kooxdeeda marka uu dib u furmo suuqa January iyada oo isku dayi doonta in ay dib u soo celiyaan rajadooda u dagaalanka horyaalka premier League.

Chelsea ayaa kaliya hal guul gaadhay 4-tii kulan ee premier League ee ugu dambeeyay halka ay kaliya 3 guul gaadhay 8-dii kulan ee ugu dambeeyay waxana ay haatan 6 dhibcood ka dambaysaa hogaamiyayaasha horyaalka man City.

Tuchel ayaa doonaya in uu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa marka la eego in xiddigaha N’Golo Kante iyo Mateo Kovacic ay dhaawacyo ku seegeen kulamo badan.

Sida laga soo xigtay wargayska Todofichajes,Tuchel ayaa xiddiga Wolves ee Neves ka dhigtay bartilmaameedkiisa 1-aad ee suuqa kala iibsiga si uu ugu xoojiyo khadka dhexe isaga oo maamulka kooxdiisa u sheegay in ay u keenaan xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here