Barcelona Oo Suuqa Dhigaysa 4 Xiddig Oo Uu Hogaaminayo Frenkie de Jong

0
223

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay iibiso Frenkie de Jong, Marc-Andre ter Stegen iyo Sergino Dest bisha January si ay u hesho lacag ay ku xoojiso kooxdeeda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda reer Catalan ayaa ku guuldareysatay inay u soo baxdo wareega 16ka ee Champions League xilli ciyaareedkan, halka ay 16 dhibcood ka hooseyso hogaamiyaasha La Liga ee Real Madrid.

Sida laga soo xigtay saxafiga Gerard Moreno, Barcelona ayaa isku diyaarinaysa inay ciyaartoy dhawr ah geliso suuqa January kuwaas oo ay ka mid yihiin De Jong, Ter Stegen iyo Dest.

De Jong ayaa la rumeysan yahay in uu xiiso ka helayo kooxaha Manchester United Man City, halka Newcastle United ay xiisaynayso Goolhayaha Ter Stegen.

Bayern Munich ayaa dhanka kale la aaminsanyahay in ay doonayso saxiixa xiddiga 21 jirka ah ee Sergio Dest kaas oo ka baxay qorshaha Xavi xilli ciyaareedkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here