Rio Ferdinand Oo Magacaabay 3-da Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League.

0
250

Daaficii hore ee Manchester United Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Chelsea, Liverpool iyo Manchester City ay yihiin kuwa ugu cadcad ku guuleysiga UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

Salaasadii, Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee Ingiriis ah ee badisa dhammaan lixdii kulan ee group-yada, ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda hogaanka u haysa Serie A ee AC Milan.

Inkastoo Manchester City ay guuldarro 2-1 ah kala kulantay RB Leipzig kulankoodii ugu dambeeyay ee heerka guruubyada Champions League, Si kastaba ha ahaatee, kooxda Pep Guardiola ayaa hore u xaqiijisatay kaalinta koowaad ee Group A iyagoo ka hor maray kooxda reer France ee PSG.

Dhanka kale, kooxda difaacaneysa koobka ee Chelsea ayaa mar hore xaqiijisay u soo bixida wareega 16-ka ka hor kulankooda ugu dambeeya ee Group-yada ay la ciyaarayaan Zenit St. Petersburg, Blues waxa ay isku dhibco yihiin Juventus, sidaas darteed waxaa weli socda dagaalka loogu jiro ku guuleysiga group-ka.

Halyeeyga United Ferdinand ayaa aaminsan in Chelsea, Liverpool iyo City ay yihiin kuwa ugu cadcad ku guuleysiga Champions League xilli ciyaareedkan maadaama ay heystaan ​​seddexda tababare ee ugu fiican.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here