Arsenal Oo Wadahadalo La Furtay Juventus & Xiddiga Ay Ka Doonayso Oo La Ogaaday.

0
260

Arsenal ayaa wadahadal furaysa kooxda Juventus si ay uga hesho xiddiga Dejan Kulusevski si ay u helaan suuqa kala iibsiga January sida laga soo xigtay wargayska La Repubblica.

Arsenal ayaa u muuqatay mid ka soo kabsatay qaab ciyaareedkii liitay ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyaga oo kor u soo kacay kaalinta shanaad ee kala saraynta.

Si kastaba ha ahaatee, Gunners ayaa ku dhibaatootay kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxaha Liverpool, Manchester United iyo Everton.

Inkasta oo uu Arteta 150 milyan oo euro suuqa galiyay xagaagii hadana dib u dhiskii Mikel Arteta ee Arsenal ayaa u muuqda mid aan dhamaan.

Sida laga soo xigtay isha aan kor ku soo sheegnay, Gunners ayaa haatan bartilmaameedsaneysa xiddiga xiddiga Juventus ee Dejan Kulusevski suuqa January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here