Imaaraadka Carabta oo Wax Ka Beddelay Maalmaha Shaqada ee Dalkaas

0
248

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta ku dhawaaqday in laga bilaabo sanadka cusub ee 2022 ay maalmaha Sabtida iyo Axaddu noqon doonaan maalmo fasax ah oo shaqooyinka dalkaas laga nasto.

Sidoo kale gelinka dambe ee maalinta Jimcaha ayaa iyana noqon doonta fasax taasi oo macnaheedu yahay in shaqaalaha dalkaasi ay shaqeyn doonaan afar maalmood iyo maalin gelinkeed.

Xukuumadda Imaaraadka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid ka qeyb-qaadanaya hagaajinta xariirka qoysaska iyo is dhexgalka bulsheed sidoo kalena uu dhadhan u yeeli doono hab nololeedka shaqaalaha oo shaqooyinka ka nasan doona laba maalin iyo maalin gelinkeed.

Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya dalkii kowaad ee dhima maalmaha shaqo ee dunidu isla wada taqaanno oo ah 5 maalmood iyada oo taa beddelkeeda samaysatay xeer u gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here