Diogo Dalot Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United.

0
267

Daafaca midig ee Manchester United Diogo Dalot ayaa muujiyay rabitaankiisa ku aadan inuu sii joogo kooxda, wuxuuna diyaar u yahay inuu wax walba u sameeyo kooxda kadib imaatinka tababare Ralf Rangnick.

22 jirkan ayaa ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda Man United intii uu Ole Gunnar Solskjaer hogaaminayay kooxda laakiin waxa uu kulamadii ugu dambeeyay ku bilowday kooxda.

Inkasta oo uu xiiso ka helayo Jose Mourinho oo doonaya in uu kula midoobo kooxda Roma hadana xiddiga Dalot ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda Man United.

“Waa waxa aan halkan u joogo, ma ahan wax fiican in aad kaydka ku jirto oo aanad kulamo badan ciyaarin”ayuu Dalot yidhi.

“Laakiin shaqadeena ayaa ah in aan diyaar ahaano oo aan sii wadno shaqada fiican ee garoonka dibadiisa”.

“Marka ay fursadu kuu timaado waa in aad ka faa’iidaysato haatana waxa aan wax walba u qaban doonaa kooxda”ayuu sii raaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here