Chelsea Oo Laga joojiyay Rikoodh Cajiib Ahaa Oo Ay Ku Faanaysay.

0
615

Kooxda chelsea ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kulan xiiso lahaa.

Chelsea ayaa looga badiyay 3/2 kulan ka dhacay London Staduim kulan xiiso iyo xamaas lahaa oo ay chelsea 2 jeer ku hor martay natiijada ciyaarta.

Kadib guuldaradaas chelsea ayaa laga jabiyay rikoodh cajiib ah oo ay ku faanaysay tan ilaa markii uu yimid Thomas Tuchel horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa markii ugu horaysay horyaalka laga dhaliyay wax ka badan hal gool kulan premier League ah xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale chelsea ayaa markii 3-aad laga dhaliyay wax ka badan hal gool tartamada oo dhan 53 kulan oo uu Thomas Tuchel hogaaminayay kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here