Wakiilka Lewandoski Oo Wada Xaajood La Furay Mid Ka Ah Kooxaha Doonaya Saxiixiisa

0
274

Wakiilka Lewandoski ayaa shaki weyn giliyay mustaqbalka laacibka ee kooxda bayern Munich

Laacibkaas 33 sano jirka ayaa xilli ciyaareekaan waxa uu Munich u dhaliyay 25 gool ka dib 20 kulan dhamaan tartamada ay ku jiraan

Guud ahaan 319 gool ayuu u dhaliyay ka dib 349 kulan tan iyo markii uu u yimid xagaagii 2014-ta waqtigaas oo uu ka soo wareegay Dortmund

Waxa lagu waramay in wakiilkaan Pini Zahavi uu kula taliyay laacibkaas in xagaaga soo socda uu u soo wareego Real Madrid .

Hishiskiisa Munich waxaa ka harsan 18 bil waxa ayna il wareedyo kala duwan isku raacayaan in laacibka uu doonayo in xagaaga soo socda ka huleelo qalcadda Allianz Arena .

Wargeyska AS waxa uu leeyahay , wakiilkiisa waxa uu la doonayaa Real waliba wada xaajoodka waa uu bilaabay .

Waqti sii horeeyay waxaa lala xariiriyay Lewandowski in uu aadi doono horyalka Ingiriiska gaar ahaan midkood City , Chelsea iy Liverpool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here