Ferran Torres Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Barcelona

0
468

Xiddiga Man City Ferran Torres ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis waqti dheer ah la gaadhay Barcelona.

Torres, oo 21 jir ah, ayaa kaliya 18 bilood u jira heshiis shan sano ah oo uu kula joogo City isagoo kaga soo biiray kooxda Valencia.

Laakiin sida laga soo xigtay Sport1, 21 jirkaan ayaa diyaar u ah inuu soo gabagabeeyo waqtigiisa Etihad.

Saxafiga la ixtiraamo ee Patrick Berger ayaa sheegay in Torres ‘uu doonayo in uu ka tago Manchester City suuqa January si uu ugu biiro kooxda Man City.

Saxafiga ayaa intaas ku daray in uu Pep Guardiola ogolaaday in uu xiddigu ka tago kooxda kuna biiri karo kooxda Barcelna iyaga oo doonaya lacag dhan 60 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here