Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Pablo Mari

0
353

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga daafaca ka ciyaara kooxda ee Pablo Mari markala gaadho suuqa kala iibsiga January.

Xiddiga reer Spain ayaa ka baxay qorshaha Mikel Arteta bilihii ugu dambeeyay iyada oo Arsenal ku ciyaarto xiddigaha Ben White iyo Gabriel.

Mari ayaa xitaa ku fashilmay in uu ka soo muuqdo kaydka kulamadii ugu dambeeyay waxana ay kooxdu diyaar u tahay in ay iska iibiso marka uu furmo suuqa January.

Wargayska Footaball London ayaa sheegaya in ay kooxda reer Brazil ee Flamengo diyaar u tahay in ay xiddiga Mari dib ugu soo celiso garoonkeeda marka uu furmo suuqu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here