Arin Ka Cusub Mustabqalka Rodrygo Ee Real Madrid.

0
382

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Real Madrid ayaa lagu waramayaa in si weyn uga shaqeynayaan hishiis cusub oo muddo fog ah in ay ka saxiixdaan kubad jiidahooda Rodrygo.

Laacibkaan 20 snao jirka ayaa si weyn uga dhex muuqda shaxda kooxda ee xilli ciyaareedkaan , 16 kulan ayuu la soo muuqday damaan tartamada halka uu dhaliyay laba gool xilli laba kalana uu sameeyay .

Sidaas oo ay tahay hishiiska laacibka ee Real ayaa weli dhaweyn waxaana u harsan sedex sano iyo bar kaasi oo uu saxiixay markii uu yimid xagaagii 2019-kii

Si waliba oo ay ahaato , ABC waxa ay sheegeysaa in Real ay doonayaan in laacibkaas sii fogeeyaan hishiiskiisa oo ay ku daraan sedex xilli ciyaareed kale iyaga oo eegaya qiimaha laacibka iyo da`diisa .

Warka waxa uu intaas ku darayaa in hishiiska cusub uu Rodrygo ku qaadanayo mushaar ka sareeya midkiisa haatan , waxa ayna Los Blancos doonayaan in laacibka ku abaal mariyaan bandhiggiisa wacan

Rodrygo ayaa la filayay in uu safto kulankii xalay ee Sevilla balse daqiiqadihii ugu dambeeyay ayaa laga saaray shaxda sababo la xariira xanuun dhanka caloosha ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here