Hordhac: Chelsea Vs Man United

0
385

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kulanka ugu xiisaha badan premier League todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Chelsea iyo Man United kulan ka dhici doona Stamford Bridge kana tirsan horyaalka premier League.

Chelsea ayaa kulanka u soo galaysa iyaga oo doonaya in ay sii dheeraystaan hogaanka premier League soona celiyaan dhibcihii ay ka horeeyeen kooxaha ku xiga.

Dhanka kale Man United ayaa ciyaari doonta premier League markii ugu horaysay tan ilaa markii shaqada laga caydhiyay Ole Gunnar Solskjaer waxana ay doonayaan in ay ku soo laabtaan wadada guulaah.

Kulanka: Chelsea Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaan wax guul ah gaarin todobadii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay wajahday Manchester United, Kaliya markii ugu dambaysay ee ay kulamo intaas ka badan wax guul ah ka gaadhin Red Devils ayaa ahayd intii u dhexaysay 1938 iyo 1950) markaas oo ayna ka badin 10 kulan.

Waa markii shanaad oo Chelsea ay martigeliso Man Utd kulan ka tirsan Premier League waliba Blues ku bilaabanayso maalinta iyaga oo hogaaminaya horyaalka, chelsea ayaa badisay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee hore iyaga oo hal guuldaro la kulmay.

Man Utd ayaa shabaqeeda ilaashatay mid kasta oo kamid ah afartii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay la ciyaartay Chelsea – kooxda kaliya ee diiwaan gashatay rikoodhkaas iyaga oo la ciyaaraya chelsea ayaa ah Newcastle United kuwaas oo 6 kulan oo xidhiidh ah shabaqooda ka ilaashaday intii u dhexaysay dhaxaysay 1913 iyo 1919.

Dhammaan tartamada, Cristiano Ronaldo ayaa hal gool ka dhaliyay Chelsea 15 kulan oo uu ka horyimid, isagoo sidaas sameeyay 2008dii finalkii UEFA Champions League. Blues ayaa ah kooxda ugu badan ee uu wajahay horyaalka isaga oo aan wax gool ah ka dhalin 10 kulan ayuu ka hor tagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here