Barcelona Oo Doonaysa Saxiixa 4 Xiddig Oo Premier League Ku Dhibaatoonaya.

0
278

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa isku diyaarinaya in uu xoojiyo kooxdiisa marka la gaadho suuqa kala iibsiga January isaga oo maamulka kooxdiisa u sheegay in ay u dhaqaaqdo 4 xiddig oo premier League ku dhibaatoonaya.

Kadib markii uu tababare u noqday kooxda Xavi ayay ku furantay dhibaato weyn kadib markii uu xiddiga Sergio Aguero xanuun dhanka wadnaha ah soo gaadhay taas oo keentay in uu muddo ka maqnaado garoomada.

Sidoo kale dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay kooxda xiddigo muhiim ah kuwaas oo haatan ka maqan shaxda kooxda Barcelona xilli ay kooxdu ku dhibaatoonayso goolka hortiisa.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu Xavi maamulka kooxdiisa u sheegay in ay suuqa January u keenaan xiddigo ka ciyaari kara weerarka iyo waliba xiddigo ka ciyaari kara garbaha.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Xavi doonayo xiddigaha ku dhibaatoonaya Premier League ee Raheem Sterling, Timi Werner, Edinson Cavan iyo Jesse Lingard si uu ugu xoojiyo weerarkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here