Kante Oo Soo Nooleeyay Xiisaha Mid Ka Mid Ah Kooxaha Yurub

0
331

Qadka dhexe Chelsea ee Kante ayaa mar kale waxa uu magaciisa imaanayaa suuqa kala iibsiga xilli mid ka mid ah kooxaha ugu weyn yurub ay baadi goobayaan

PSG ayaa xariir la sameeysay wakiilka Kante iyaga oo ka wareystay in ay suura gal noqon kato in saxiixiisa helan marka suuqa jilaalka uu furmo January

Lacibkaan 30 sano jirka ayaa hishiskiisa haatan waxa uu dhacayaa 2023-ka, sida wargeyska The Sun qorayo mana muuqato ifafaalo muujinaya in Chelsea doonayaan in hishiis cusub ka saxiixdaan laacibka.

PSG waxa ay dooneysaa in ay ka faa`ideystaan xaaladdaas iyo dhanka dhaawacyada oo Chelsea ku ridaya xoogaa niyad jab ah

Wariyaha suuqa ku xeel dheer ee Romano waxa uu Chelsea Talk ka yiri ” Kante iyo Chelsea weli iskuma soo hadla qaadin wax hishiis kordhin ah”, waxaana sidoo kale laacibkaan doonaya Real Madrid.

Marka laga yimaado dhawaacyada u ka sheegtay laacibkaan , Kante waxa uu Chelsea u saftay 230 kula dhamaan tartamada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here