Chelsea Oo Stamford Bridge Ku Garaacday Juventus.

0
280

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda chelsea ayaa u awood sheegatay kooxda Juventus kulan ka dhacay Stamford Bridge oo dhinac kaliya ahaa kana tirsanaa wareega Group-yada tartanka champions League.

Chelsea ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh xilli ay Juventus u muuqatay kuwo ku dhex lumay garoonka Stamford Bridge.

Blues ayaa daqiiqadii 25-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Trevoh Chalobah kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Kooxda Juventus ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah xilli ay chelsea si fiican u difaacanayso goolkeeda.

Juventus ayaa u dhawaatay in ay dhaliso goolka kadib markii uu Alvaro Morata kubad cajiib ah u diray dhinaca goolka Waliba ka kor qaaday Goolhaye Mendy laakiin daafaca Thiago Silva ayaa badbaadin waali ah sameeyay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay chelsea hogaaminayso dhinaca qaab ciyaareedka iyo waliba dhanka natiijada.

Qaybtii dambe ayay Chelsea si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan waliba u quus gooyaan kooxda Juventus.

Daqiqiadii 55-aad ayay chelsea dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Reece James kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay chelsea ku hogaaminayso.

Chelsea ayaa isla daqiiqadii 58-aad dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Callum Huddson-Odio kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa daqiiqadii ugu dambaysay dhaliyay goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Timo Werner kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay chelsea ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea xasuuqday kooxda Juventus una awood sheegtaya sidaasna ku xaqiiqsatay booskooda wareega 16-ka champions league.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here