Zinedine Zidane Oo Man United U Sheegay Wakhtiga La Heli Karo Saxiixiisa.

0
228

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa in uu maamulka Man United u sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku soo laabto shaqada tababaranimo xagaaga soo socda ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Red Devils ayaa la sheegayaa in ay Zidane u calaamadsatay badalka Ole Gunnar Solskjaer kaas oo uu shaki ku jiro shaqadiisa kadib qaab ciyaareed xun oo ay soo bandhigtay kooxdu.

Sida laga soo xigtay Bild, Zidane ayaa iska diiday in uu haatan ku soo laabto shaqada tababaranimo maadama uuna doonayn in uu shaqada bilaabo bartamaha xilli ciyaareedka.

Laakiin Zidane ayaa u sheegay maamulka United in uu diyaar u yahay in uu tababare u noqdo Man United xagaaga dambe dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed Zidane ayaan ku soo laaban doonin shaqada tababaranimo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan haatan lagu jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here