Xavi Oo Barcelona U Sheegay In Ay Keenaan Xiddig La Dhabar U Ah Chelsea

0
255

Waqtiyadan adag ee dhanka dhaqaalaha ah ee Barcelona, ​​kooxda reer Catalan ayaa sii waday inay raadiso xiddigo ay ku heli karto qaab xor ah si ay ugu xoojiso kooxdeeda waxaana haatan bartilmaameed u noqday xiddiga kooxda chelsea ee Cesar Azpilicueta.

Xiddiga reer Spain ee chelsea ku hogaamiyay ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkii hore ayaan weli heshiis cusub u saxiixin Blues, iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo xagaaga.

Sida laga soo xigtay ESPN, Barcelona ayaa haatan si dhab ah uga fikiraysa inay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga suuqa January marka uu xorta u noqdo in uu la hadlo kooxaha kale.

Wararka ayaa sheegaya in tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez uu taageersan yahay u dhaqaaqista Azpilicueta sababtoo ah qaab ciyaareedkiisa fiican iyo in uu xiddigu ka ciyaari karo 3-da daafac dambeed.

Xagaagii tagay Barcelona waxa ay si xor ah kula soo wareegtay saddex ciyaartoy oo kala ah Sergio Aguero, Memphis Depay iyo Eric Garcia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here