Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo Doonaya In Uu Ku Biiro Barcelona

0
294

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Thiago Alcantara ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ku laabto Barcelona suuqa January ee bilowga Sanadka cusub.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa Liverpool u saftay 37 kulan tan ilaa markii uu kaga soo biiray Bayern munich xagaagii 2020 waxana uu inta badan ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii looga bartay.

Warar dhawaanahan soo baxayay ayaa sheegaya in Tababaraha Barcelona ee Xavi uu doonayo in uu xiddiga reer Spain dib ugu soo celiyo kooxda si uu uga qayb ahaado dib u dhiska kooxda.

Sida laga soo xigtay Todofichajes, Thiago ayaa u furan inuu ku laabto kooxda reer Catalonia, waxaana uu kalsooni ku qabaa in Liverpool ay u ogolaan doonto inuu baxo hadii ay helaan dalab fiican.

Xiddiga reer Spain ayaa horay u soo matalay kooxda Barcelona intii u dhexaysay 2005/2013 isaga oo ka soo baxay Akademiyada kooxda waxana uu u ciyaaray 101 kulan tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here