Paul Pogba Oo Go’aamiyay Kooxda Uu Ku Biiri Doono & Wakhtiga Uu Ku Biirayo.

0
257

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Paul Pogba ayay ka go’antahay inuu ku laabto Juventus sanadka soo socda, iyadoo xiddiga reer France uu durba go’aansaday inuu isaga tago Manchester United, sida uu sheegay saxafiga reer Talyaani ee Rudy Galetti.

Heshiiska xiddiga khadka dhexe ee Man United ayuu dhici doonaa xagaaga dambe waxana ay u muuqataa in uu isaga tagi doono kooxda maadama uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Kooxda ral madrid ayaa si weyn loola xidhiidhinayay xiddiga laakiin sida laga soo xigtay Galetti, Kooxda Real Madrid ayaa ah dookha 2-aad ee xiddiga khadka dhexe.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ee Paul Pogba ayaa doonaya in uu ku laabto kooxdiisii hore ee Juventus halkaas oo uu wakhti fiican ku soo qaatay intii uuna ku soo laaban Man United.

Xiddiga khadka dhexe ee Pogba ayaa xitaa haatan ogolaaday in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu suuqa January ee bilowga sanadka cusub ugu laabto kooxd Juventus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here