Jijimo lagu iibsaday $8 milyan

0
266

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Labo jijin oo ka sameysan dheyman isla markaana ay lahaan jirtay boqoradda Faransiiska, Marie Antoinette, ayaa lagu xaraashay dalka Switzerland iyadoo lagu iibiyay in ka badan $8 million (£5.8 million).

Waxaa iibsaday qof aan magaciisa la shaacin.

Marie Antoinette ayaa kahor kacdoonkii ka dhacay Faransiiska, waxaa loo taxaabay xabsiga kaddib markii boqorkii Faransiiska oo ay xaaskiisa ahayd uu ku eedeeyay inay khatar ku tahay naftiisa, waxayna jijimahaas u dirtay meel kale si loogu ilaaliyo.

Jijimaha ayaa la geeyay meel dalkaas ka baxsan waxaana in ka badan 200 oo sano hayay qoyskeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here