Liverpool Oo Garaacday 10 Xiddig Oo Atletico Madrid Ah

0
240

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Liverpool ayaa garaacday kooxda Atletico Madrid kulan dhinac kaliya ahaa oo ay Liverpool ku awood badnayd min bilow ilaa dhamaadka ciyaarta.

Liverpool ayaa sidii caadada ahayd ku bilaabatay ciyaarta si dar-dar leh iyaga oo Atletico Madrid ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 13-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana gool madax ah u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii waday dadaalka ay ku doonaysay goolal xilli ay Atletico Madrid daafac ku jirtay si ay u joojiso halista Liverpool.

Daqiiqadii 21-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana markan u dhaliyay xiddiga Sadio Mane kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Liverpool ku hogaaminayso.

Liverpool ayaa si joogto ah u halis galinaysay goolka kooxda Atletico Madrid kuwaas oo ku dhibaatoonayay in ay madaxa kor u qaadaan ciyaartana gool ka dhaliyaan.

Daqiiqadii 36-aad ayay Atletico xaalku ku xumaaday kadib markii kaadhka cas loo taagay xiddiga xiddiga Felipe kaas oo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig ciyaarta.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ahayd mid ayna waxba is badalin iyada oo ayna labada kooxood wax goolal ah kala dhalin inkasta oo ay fursado fiican kala heleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here