Lewandowski Oo Taariikh Ku Galay Sedexleeydii Uu Ka Dhaliyay Benfica Ee Champion-ka

0
266

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Weeraryahanka Bayern Munich ee  Lewandowski ayaa ka talaabsaday rikoor u yiily Gerd Müller, waxa uu noqday gool dhaliyaha taariikhiga ee kooxdaas ee tartamada Yurub.

Munich ayaa xalay 5 gool ku garaacday Benfica waxa ayna wada ciyaareen kulan wareegga 4-aad ee Group-yada Champion-ka ah.

Lewandowski ayaa kukankaas dhaliyay sedex gool  waxa uuna kaga sara maray sedexleeydaas xiddigii hore Munich ee Gerd Müller.

Ka hor kulankaas Gerd Müller ayaa ahaa gool dhaliyaha taariikhiga ee kooxdaas ee Champion-ka isaga oo lahaa 62 gool balse sedexleeydaas waxa ay wiilkaan reer Poland  gaarsiisay 65 gool oo uu rikoorkaas ku jibiyay .

Lewandowski ayaa haatan haya hogaanka gool dhalinta Champion-ka ee xilli ciyaareedkaan , 8 gool ayuu leeyahay ka dib 4 kulan waxa uuna ka hor maray Mohamed Salah oo leh 5 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here