Maxkamada sare ee Pakistan oo go’aan ka gaartay da’da ay gabdhaha ku guursan karaan.

0
274

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa xukuntay in sharciga da’da ugu yar ee dhallinyarada loo ogolaan karo in ay guursadaan ee dalkaasi u yaalla aysan ahayn mid ka hor imaanaysa diinta Islaamka.

Maxkamadda Shareecada Federaalka ayaa sheegtay in da’da guurka gabdhaha oo hadda ah 16 sano ay gacan ka geysanayso inay helaan ugu yaraan waxbarashada aasaasiga ah ka hor inta aysan guursan.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay mid waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah iyadoon loo eegin jinsiga.

Dalka Pakistaan da’da ugu yar ee ay wiilasha ku guursan karaan ayaa ah18 sano jir, halka gabdhuhu ay tahay 16 sano jir.

Horaantii todobaadkan ayay maxkamaddu sidoo kale ku dhawaaqday in caadada ah in gabdhaha yar la bixiyo iyada oo magdhow ama xal looga dhigayo khilaafka qabaa’ilada ka dhaxeeya ay tahay sharci darro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here