Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Iman Karto Newcastl United

0
290

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Newcastle United kulan adag oo ka tirsan premier League.

Chelsea ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaha xidhiidhka ah ee premier Leaue iyo in ay sii wadato hogaaminta horyaalka marka ay la ciyaarayso Newcastle.

Thomas Tuchel ayaa la filayaa in ay wali ka maqnaadaan xiddigaha weerarka uga ciyaara kooxdisia ee Romelu Lukaku iyo Timo Werner sabab la xidhiidha dhaawacyo kala duwan oo soo gaadhay.

Xiddiga Kai Havertz ayaa la filayaa in uu hogaamiyo weerarka Blues isaga oo ay wehelin doonaan xiddigaha Mason Mount iyo Callum Hudson-Odoi.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa kadib guushii 7/0 ahayd ee ay todobaadkii hore ka gaadheen Norwich City waxana ka go’an in ay sii ahaadaan hogaamiyayaasha horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here