Unitded Oo Go`aan Cusub Ka Gaartay Mustaqbalka Pogba

0
292

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Man United ayaa ogalaatay go`aanka Pogba ee ku aadan in uusan saxiixi doonin hihsiis cusub , waxa ayna tani micnaheedu yahay in qaab xor ah uu ku baxayo xagaaga.

Hishiiska Pogba ee United ayaa dhacaya June  2022-ka  waxa ayna United dadaal ku bixiyeen in mid cusub ka saxiixdaan balse ma mira dhalin.

Dhawaan ayay aheyd markii wakiilka Pogba uu shaaciyay in xaalado kale ka cusub yihiin mustaqbalka laacibka xilli  kooxaha Real , Juve iyo PSG  ay wada baadi goobayaan wiilkaan reer France

Sida ESPN qoreyso , United ayaa la xaqiijiyay in ay isdhiibtay oo ay ogalaadeen go`aanka Pogba ee ah in qalinka iyo warqadda uusan is dul saari doonin .

Haatan , dadka suuqa turxaan bixiya ayaa tilmaamaya in United ku fikarayaan in ay iibiyaan Pogba January  halka xagaaga qaab xor ah ku weyn lahaayeen balse kooxaha laacibka sugaya saxiixiisa waxa ay raadinayaan fursad ah in xagaaga xor ku helaan laakiin January ay la sii hishiiyaan

Pogba ayaa haatan ganaax ku seegaya sedexda kulan ee soo socda ka dib kaarkii casaanka ee uu ku qaatay kulankii Liverpool waxa uuna maqnaanayaa kulamada Tottenham , Man City iyo Watford

Pogba ayaa United u yimid xagaagii 2012-kii waqtigaas oo uu qaab xor ah uga wareegay Juventus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here