Zinedine Zidane Oo Go’aan Ka Gaadhay Xiisaha Man United

0
248

Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa inuusan wax niyad ah u haynin inuu galo tartanka loogu jiro inuu noqdo tababaraha xiga ee Manchester United.

Kadib guuldaradii 5/0 ahayd ee ka soo gaadhay Liverpool Axadii, Mustaqbalka Ole Gunnar Solskjaer ee Man United ayuu shaki ku jiraa.

Tababaraha reer Norway ayaa diiday in uu shaqada iska casilo shaqada kooxda Man United xilli ay United bilowday raadinta badalka Tababaraha.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay wararka ka imanaya Spain, Zidane oo ka mid ah Tababarayaasha lala xidhiidhinayo Man United ayaa iska diiday in uu tababare u noqdo kooxda Red Devils.

Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore markaas oo uu ka tagay kooxda Los Blancos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here