Dood ka dhalatay diyaarad ay ka soo daadatay wasakhda musqusha

0
258

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Ingiriisku inta badan wuxuu ku mashquulsan yahay cimilada, balse hal nin oo ka soo jeeda Berkshire, ee galbeedka London, ayaa lahaa sabab gaar ah oo uu kaga welwelsan yahay arintan.

Waxa uu ku nasanayay beertiisa markii “qashin aad u xun ku soo firdhismay” waana saxarada aadanaha, oo diyaarad ka soo dhacday.

Xildhibaanka golaha deegaanka Karen Davies oo ka hadlayay madasha duulimaadka The Royal Borough Of Windsor & Maidenhead ayaa sheegtay in ay la soo xiriirtay xubin ka tirsan degmada ayna aad uga argagaxday markii ay maqashay dhacdada “laga naxo” oo ah waxa aan wali horey loo arkin.

Waxay sharraxday sida “beertiisa oo dhan, iyo dalagyada beerta, iyo isaga oo dhan loogu daboolay” saxaro waxa ayna arintan noqotay mid laga hadal hayo guud ahaan dalka ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here