Hordhac: Chelsea Vs Norwich City :

0
299

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Chelsea ayaa kulankaan galeysa iyadoo Lukaku iyo Warner dhaawac uga mqan yihiin kuwaasi oo lagu haleelay kulankii Malmo

Christian Pulisic ayaa u dhaw in uu ka soo kaco dhaawac jilibka ah balse kulankaas sabtida ah ma ciyarayo.

Xogta Kulanka

*Chelsea ma aysan guul dareysan 17 kulan oo hore oo ay la yeeshen Norwich laga soo bilaabo 1994-kii , 12 guul iyo 5 bar bar dhac ah ayay ka wataan

* Chelsea waxa ay hamineysaa in ay guul gaaraan 6 kulan oo qeyb ka ah 9-ka kulan ee ugu horeeya horyaalka markii ugu horeeysay tan iyo 2014-tii waxaana waqtigaas hogaaminayay Jose Mourino, xilligaasna horyaalka ayay qaadaan

* Chelsea waxa ay guul dareysteen 4 kulan oo garoonkooda ah horyaalka sanadkaan sii dhamaanaya 2021-da mana dhicin in shan jeer ay arintaas la kulmaan tan iyo sanadkii 1995-tii

*Kante ayuu kulankaan u noqonayaa 200 -aad ee uu ka soo muuqdo horyaalka Ingiriiska

* Norwich ma aysan badin 18 kulan oo horyaalka kaliyana a sedex gool ayay dhaliyeen , laba bar bar dhac iyo 16 guul darro ayay wataan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here