Barcelona Oo Xasuuqday Kooxda Valencia

0
555

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul dahabi ah oo ay u qalmaysay ka gaadhay Valencia oo marti ugu ahayd Camp Nou, taas oo ay ku garaacday 3-1.

Saddex ciyaartoy oo Barcelona ah ayaa shabaqa soo taabtay, iyagoo meesha ka saaray gool degdeg ahaa oo daqiiqaddii shanaad ee bilowga ciyaarta ay Valencia kaga naxsatay Barcelona oo ay tobannaan kun oo taageereyaasheeda ah ku hor ciyaaraysay.

Saddexda dhibcood ee kulankan ayaa Barcelona siiyey niyad-dhis aad u weyn xilli ay isku diyaarin doonaan Real Madrid oo Axadda toddobaadka dambe ugu iman doonta isla garoonkan.

Kulankan oo uu Ronald Koeman kusoo bilaabay xiddigihiisa da’da yar ee Gavi iyo Ansu Fati ayaa waxa daqiiqaddii shanaad gool la  hormartay Valencia, waxaana u dhaliyey Jose Gaya, hase yeeshee masii waarin goolkaasi, waxaana siddeed daqiiqadood kaddib gool qurux badan ku barbarreeyey laacibka dhaawac kasoo laabtay uu muddo sannad ku dhow ku maqnaa.

Fati oo ay Barcelona u xidhay lambarkii Lionel Messi ee No.10 ayaa kubadda kasoo qaatay dhinac bidix, waxaanu u dhiibay Memphis Depay oo laynka dushiisa taagan kaas oo isaguna dib ugu celiyey da’yarkan oo lugta midig ku toogtay, isla markaana uu goolhaye Jasper Cillessen awoodi waayey inuu joojiyo

Barcelona ayaa hoggaanka ku qabatay rikoodhe loo dhigay dhamaadka qaybta hore, kaddib qalad lagu galay Ansu Fati, waxaana kubaddaas gool u beddelay Memphis Depay oo ah ciyaartoyga ay u xidhan yihiin tuurista rikoodheyaashu.

Ciyaarta oo sii dhamaanaysa ayay Barcelona heshay goolkeeda saddexaad oo uu u saxeexay Philippe Coutinho oo beddel kusoo galay, kaas oo goolka hortiisa ka  helay kubbad uu usoo dhiibay Dest oo uu aadyar ka hoos saaray goolhayaha.

Sergio Aguero ayay taageereyaashu sacab kusoo dhoweeyeen isaga oo beddel kusoo galay dhamaadkii, waxaanay u ahayd ciyaartii koowaad ee uu u safto Barcelona oo uu si bilaash ah ugu soo wareegay xagaagii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here