Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo maamuustay haweeney unugyada jirkeeda ay sabab u noqdeen daweynta caruur badan

0
300

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa maamuustay haweeney madow ahayd oo u dhalatay dalka Mareykanka, taas oo unugyada jirkeeda ay sabab u noqdeen guushii ugu waynayd ee xilliga casriga ah laga gaaray baaritaan dhanka caafimaadka ah.

Henrietta Lacks waxay dhimatay iyadoo 31 sano jir ah, waxayna xilligaas ahayd sannadkii 1951. Waxay u dhimatay Kansarka Ilmo-galeenka.

Dhakhaatiirtii daweyneysay waxay ku sameeyeen baaritaanno iyadoo aysan ogeyn qoyskeeda iyo xitaa iyada, intii ay noolayd. Waxay ka qaadeen deecaanno iyo waxyaabo ay baaritaan caafimaad u adeegsadeen.

Waxay ahaayeen unugyadii ugu horreeyay ee la qaaday ee ku sii labada jibbaarmay bannaanka jirka bini-aadamka.

Waxaa loo adeegsaday baaritaannada la xiriira tallaalka xanuunka Dabeysha, qaabeynta hido-Sidaha, iyo daweynta IVF.

Guulahaas la gaaray waxay sababeen in Henrietta Lacks loo magacaabo “hooyada” daweynta iyo dawada casriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here