Koox Premier League Ah Oo Wadahadalo Rasmi Ah La Furtay Timo Werner.

0
220

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Newcastle ee yeelatay Milkiilahayaasha maalqabeenka ah ayaa si lama filaan ah wadahadalo ula furtay wakiilka xiddiga weerarka uga ciyaara chelsea ee Timo Werner sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in ay Newcastle wadahadalo Rasmi ah la furtay Wakiilka Timo Werner si ay xiddiga ugu qanciyaan in uu ku biiro mashruucooda cusub.

Werner ayaa ku dhibaatoonaya chelsea tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray xagaagii 2020 isaga oo aan joogto ugu ciyaarin kooxda xilli ciyaareedkan.

Mustaqbalka Werner ayuu shaki ku jiraa xilli uu ku dhibaatoonaya in uu boos ka helo kooxda kadib markii uu Romelu Lukaku yimid kooxda xagaagii

Milkiilayaasha cusub ee Newcastle ayaa doonaya in ay Werner ka dhigaan saxiixooda ugu horeeya iyaga oo doonaya in ay dhisaan koox u tartami karta koobab mustaqbalka dhaw.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here