Taksiile 50,000 doolar waddo ka helay oo tallaabo la yaab leh qaaday

0
248

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Wiil yar oo taksiile ka ah dalka Liberia ayaa si weyn loogu ammaanay tallaabo uu qaaday kadib markii lacag gaareysa 50,000 uu waddo ka helay dib ugu celiyay qofkii iska lahaa oo uu raadiyay.

Lacagta waxay ka luntay ganacsade ka ah dalkaas.

Emmanuel Tolue wuxuu sheegay in lacagta oo ku jirtay boorso uu ka helay waddo isla markaana uu raadiyay qofkii lahaa oo uu ka baahiyay Raadiyo maxalli ah.

Musu Yancy markii ay heshay lacagteedi, waxay wiilkii yaraa ku abaalmarisay $1,500 doolar.

Dadka reer Liberia ayaa si weyn u hadal hayaa dhacdadan maadama ay wiilka uu qaaday tallaabo naadir ah oo ku cusub dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here