Real Madrid Oo Ogolaatay In Ay Chelsea Ka Iibiso Eden Hazard Laakiin

0
209

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay Real Madrid la furtay wadahadalo ay ku doonayso saxiixa xiddiga Eden Hazard.

Laakiin Real Madrid ayaa la sheegayaa in ay doonayso saxiixa Reece James si ay xiddiga reer Belguim ugu ogolaato in uu ku laabto Stamford Bridge.

Milkiilaha chelsea ee Roman Abramovich ayaa ku kalsoon in uu heli doono xiddiga Hazard kaas oo ahaa xiddigaha ugu fiican markii uu joogay West London sida laga soo xigtay El Nacional.

Wadahadalada u dhexeeya labada kooxood ayaa la sheegayaa in uu haatanba bilowday iyada oo Real Madrid dalbatay xiddiga Reece James si ay Hazard ugu ogolaato ku biirista kooxda Chelsea suuqa soo socda.

Real Madrid ayaa Reece James u doonaysa in uu la tartamo xiddiga Dani Carvajal kaas oo dhaawacyo ku dhibaatoonaya xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here