Halka Uu Alex Oxlade-Chamberlain Ka Gali Karo Shaxda Arsenal Hadii Uu Ku Laabto Emirates.

0
196

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiisaynayso saxiixa xiddigeedii hore ee Alex Oxlade-Chamberlain kaas oo ku dibaatoonaya kooxda Liverpool.

Xiddigii hore ee Southampton ayaa dhibaatada Liverpool u eedaynaya dhaawacyo soo gaadhay kuwaas oo soo gaadhay waliba qaab joogto ah tan ilaa 2017 markii uu ku soo biiray Liverpool.

Alex Oxlade-Chamberlain ayuu heshiiskiisa Liverpool dhici doonaa xagaaga 2023 waxana la sheegayaa in ay Liverpool diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga kadib markii uu 17 kulan oo kaliya u saftay kooxda.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa doonaya in uu Alex Oxlade-Chamberlain ku soo celiyo Emirates si uu u siiyo fursad uu dib ugu soo nooleeyo xirfadiisa ciyaareed.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa halka uu Alex Oxlade-Chamberlain ka gali karo shaxda Arsenal hadii uu ka tago Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here