Tahriibayaal doonayay inay galaan Mareykanka oo kunteenar looga tegay

0
233

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Booliiska dalka Guatemala ayaa 126 muhaajiriin ah ka soo badbaadiyay kunteenar looga tegay waddada dhexdeeda.

Waxay rumeysan yihiin in kooxaha dadka tahriibiya ay meesha dhigeen dadkan, sababo la xiriira inaysan bixin lacagtii looga keenay Mexico.

Booliiska ayaa muhaajiirinta siiyay gargaar deg deg ah kahor inta aysan geyn xarun ay maamusho hay’adda socdaalka ee Guatemala.

Waxay tahriibayaashu doonayeen inay galaan Mareykanka.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay inay ku soo baxeen qeylo dhaanta tahriibayaashan oo garaacayay albaabka kunteenarka.

Waxaa muhaajiriinta haatan dib loogu celin doonaa Honduras, oo ah dalkii ugu dambeeyay ee ay ka yimaadeen.

Inta badan muhaajiriintan ayaa ka yimid dalka Haiti, oo haatan ku jira xasarad dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Qaar yar ayaa ka soo jeeda dalalka Nepal iyo Ghana.

Tan iyo bilowgii sanadkan 2021, in ka badan 50 muhaajiirin ah ayaa dhintay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan xadka Colombia.

Haiti oo in muddo ah ay dhibaatooyin ka taagnaayeen ayaa waxaa xaaladda uga sii daray dilkii bishii July loo geystay madaxwyenihii dalkaas Jouvenal Moïse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here